27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Ciidamo Ethiopian ah oo la wareegay maamulka iyo amniga madaxtooyada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa kusoo waramaayo in Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee halkaasi Howlgalada u jooga.

Wararku waxa ay sheegayan in Ciidamadaasi ay ilaalinta xarunta kala wareegen Ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa DF, iyadoona amarkaasi uu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Shariif Xassan uu walaac ka muujiyay amaan darida mudooyinkaani dambe ka taagan Gobolada Bay iyo Bakool, uuna ka cabsi qabo weeraro lala beegsado.

Dowlada Ethiopia ayaa saameyn ku leh dhismaha Maamulka Koofur Galbeed, waana tan keentay in Ciidamada dalkaasi loo gacan galiyo xaqiijinta Ammaanka Madaxtooyada Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News