24.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Dam-Jadiid oo awooda dheereysanaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia kana howlgala Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Villa Somalia uu kulan xasaasi ahaa ku dhexmaray Siyaasiyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Damjadiid.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Ujeedka kulanka uu ahaa mid ay Damjadiid uga arrinsanayeen talaabooyinka horyaal sanadka uga harsan Dowlada, waxaana xusid mudan in inta uu socday kulankaasi ay isla meel dhigeen laba arrin oo kala ah:

1- In dhamaan xilalka iyo xafiisyada ugu tayada badan DF Somalia loo gacan galsho Damjadiid.

2- In faragalin lagu sameeyo qodobada ku jira dastuurka ee saameynta ku yeelan kara in Damjadiid ay wakhti siyaado ah ku darsadaan Dowlada.

Dhanka kale, waxa ay kulankooda xooga ku saaren dhinacyada Ammaanka iyo xiriirka kala dhexeeya Caalamka, iyadoona ay taasi ku tilmaamen mid halboole u noqon karta hirgalinta iyo Hiigsiga Siyaasadeed ee Ururka Damjadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News