Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeelada hoose, ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay ruux jirkiisa ay ka muuqdaan astaanta xanuunka Ebola.
Saraakiisha Caafimaadka G/Sh/Hoose, ayaa sheegay in ruuxaani ay ku arkeen Deegaanka Warmaxan, markii baaritaan lagu sameeyana uu ka muuqday xanuunka.
Sidoo kale, Arrinta la xiriirta kiiskaasi, ayaa waxaa ka hadlay Xasan Muxidiin oo ka mid ah Ehalada ninka looga shakiyay Cudurka dilaaga ee Ebola.
Waxa uu sheegay in ninka ay ugu shakiyeen cudurkaan ay ku arkeen caalamadaha sida dhiig uu tufaayo, xumad daran heysa iyo Nabro ka soo baxay jirkiisa.
Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in ninka uu yahay Ganacsade,kaasi oo ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa iyo Qaarada Africa gaar ahaan kuwa galbeedka ku yaala oo ah meesha uu ka soo bilowday Ebola,wuxuuna dhawaan ka soo laabtay dalka Guinea uu ganacsi ahaan u aaday.
Kiiskaani ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo laga sheego dalka hadii ay dhab noqoto in Ninkaan looga shakisan yahay Cudur dhacdo in Calaamadaha ka muuqda Cudurka Ebola uu yahay halis lasoo daristay dalka. Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com