Muqdisho (Caasmada Online) – Xilli Gobolka Shabeellaha Hoose ay weli ka taagan tahay xiisada u dhaxeyso Beelaha Habargidir iyo Biyo-maal, ayaa shalay kulan looga hadlaayay xiisadaasi waxaa Magaalada Muqdisho ku yeesay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee ka soo kala jeeda Beelahaasi.
Xildhibaanada waxaa kulanka ku wehlinaayay Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac, waxayna kulanka kaga hadleen sidii loo soo afjari lahaa dagaalada soo noq noqday, ee ku dhex maraaya qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Labada garab oo si qoto dheer leh kulankaasi kaga hadlay, ayaa waxay ku taamayaan sidii lagu soo afjaro dagaalada, labada beeloodna ay garowsadaan inaanay waxba soo kordhinayn wax ka baxsan nabadgelyada.
Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo kulanka ka hadlaayay, ayaa Beelaha kale ee degga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan kuwa lagu dul dagaalamaayo ugu baaqay inay ka qayb qaataan, dadaalada lagu doonaayo in lagu soo gaba gabeeyo colaadaha u dhaxeeya, Beeluhu ay xurgufta u dhaxeyso.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada Beelaha Habargidir iyo Biyo-maal, ay isku waafaqayn in wefdi ka kooban labada dhinac u wada diraan Gobolka Shabeellaha Hoose, si maleeshiyada dagaalameysa ugu baaqaan inay dagaalada soo afjaraan, xalkana taageeraan.
Xildhibaan Saciid, ayaa ku waramaaya in wefdiga labada Xildhibaano ay taggi doonaan Gobolkaasi, ka hor inta aanu furmin gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, uu dhigay Degmada Afgooye.
Labada dhinacba waxay aragti mideysan ku soo dhaweeyeen dadaalada uu markaan Shariif Xasan ku doonaayo, in lagu soo gaba gabeeyo dagaalada soo noq noqday, ee maleeshiyada ku dhex maraaya Shabeellaha Hoose.
Odayaasha Dhaqanka ee Biyo-maal iyo Habargidir, ayaa balanqaaday inay dhexda u xiran doonaan, si kama dambeys loo soo afjaro dagaalada weli dhinacyadaasi ku dhex maraaya Gobolka.
Isha: Dhacdo

