Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Ammaanka DF Somalia, ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen laba weriye oo ka howlgali jiray Idaacada Goobjoog FM ee magaalada Muqdisho.
Labadaani Weriye ayaa waxaa lagu kala magacaaba Madax Barnaamijyada Goobjoog Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo isna ka mid ah Wardoonayaasha Goobjoog, waxaana xilligii ay ciidanka qabanayeen howlo shaqo u tageen Qarax shalay ka dhacay Wadada Finti Une October ee magaalada Muqdisho.
Labadaani weriye, ayaa waxaa loo qabtay arrin la xiriirta duubista Qaraxaasi, waxa ayna habeenimadii xalay ku hoydeen xabsi ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo tani ay walaac muujiyeen Maamulka Goobjoog Fm.
Si kastaba ha ahaatee, Saraakiil ka mid ah Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wariyaasheena ay gacanta ciidanka dowladda ku jiraan, iyadoo ilaa iyo hadda sababta ay u xireen aysan sheegin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com