Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Soomaaliyeed ee Midnimada iyo Diimoqraadiyadda oo si rasmi ah loo unkay 5tii January 2015, ayaa fadhiyo wada tashi ku yaashay magaalada Muqdisho.
Isbaheysigan ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanadii ka horjeestay madaxweyne Xasan Sheekh, madaxda xisbiyo siyaasadeed oo hore ugu tartamay jagada madaxweynaha iyo sidoo kale wasiiro ku jiray xukuumaddii Cabdi Weli Sheekh.
Fadhiyadaas waxaa la qabtay 6-7 January 2015, waxaana looga hadlay ambaqaadka dhamaystirka dhismaha Madasha. Shirarkaas wada tashi waxaa ka soo baxay go’aankaan:
Waxaa la magacaabay guddiga kumeel gaarka (KMG) ee dhamaystirka Madasha oo ka kooban 13 xubin
- Xubnaha soo socda waxaa loo magacaabay hawlaha soo socda:
A – Prof Xildh/Maxamed Cabdi Gaandi Guddomiye Guddiga
B – Dr. Siciid Ciise Maxamuud Guddomiye ku-xigeenka Guddiga
C – Mudane Ducaale Aadan Maxamed Xirriiriyaha Guud ee Guddiga
D – Mudane Suleymaan Maxamed Ibraahim Afhayeenka KMG ee guddiga
- Waxaa kale oo la magaccabay:
A – Guudiga Axdiga Madasha
B – Guddiga Maaliyadda iyo taakulaynta
C – Guddiga Barnaamijka iyo Istiraatijiyadda Madahsa
3 – Hawlaha dhamaystiraka dhismaha Madasha waxaa lagu soo gebagebayn doonaa inta ka horaysa 17-ka January 2015.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

