Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa ka hadlay soo xulustii golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya iyo qorshaha lagu doonayo in baarlamaanka lagu horgeeyo golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali, afhayeenka beelaha Hawiye oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka dalbanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.
“waxaan ka dhihi lahaa inaan siiyo baarlamaanka talooyin, waxana leeyahay daalka iyo dhibaatada ay qabaan shacabka iyadoo laga eegaya ansixiya golaha wasiirada Soomaaliyta, ogaada adinkaba waa la idiin xulay oo waxaa la idiin xulay in Soomaali aad horumar u horseedaan”.
Dhanka kale nabadoonka ayaa ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inaysan keenin markale mooshin ka dhan ah xukuumada Soomaaliya, ilaa laga gaarayo sanadka 2016 oo dalka la doonayo inay ka dhacdo doorasho xor ah.
“Waxaan usoo jeedineynaa maanta waxii ka dambeeya mooshin inaad keentaan ilaa laga gaarayo sanadka 2016, dalka sumcad ayaad ka rabtaan, baahidii aad u qabteen markii la idiin xulyay ogaada oo xasuusta”ayuu markale yiri Axmed Diiriye.
Maanta ayaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha dalka uu baarlamaanka horgeeyo golaha wasiirada cusub ee ka kooban 20 wasiir oo kaliya oo aysan la socon wasiir ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]