28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Hay’ada culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay ansixinta xukuumadda CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan meelmarinta Xukuumada cusub ee Somalia.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Wasiirada la ansixiyay ay horyaalan howlo badan oo qabashadeeda iyo hirgalinteeda iyaga looga fadhiyo.

Sheekh Bashiir, ayaa sheegay in Xubnaha xukuumada cusub looga baahan yahay inay la tashtaan Culumada iyo dadka waxtarka u ah dalka, waxa uuna ugu baaqay inay ka weecdaan waxyaabaha dhalinkara Khilaafka iska horkeenayo Xukuumada iyo BF Somalia.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay Sheekh Bashiir ayaa waxa uu yiri ”Waxaa marka hore laga rabaa inay ilaaliyaan diinta iyo akhlaaqda umadda Soomaaliyeed, waa inay ahaadan kuwo mudan in lagu daydo oo daacad nimo ay uga adeegan umada”

”Wan soo dhaweyneynaa xukuumada la ansixiyay, waxaa naga cadibmay howlo badan oo sameynteeda la sugaayay, waxan rajeyneynaa inay darsi noo noqon doonto khilaafyadii socday ee hada laga soo gudbay”.

Ugu dambeyntii, waxa uu ugu baaqay inay muujiyaan howl karnimo, cadaalad iyo sinaan, si meesha looga saaro wax waliba oo garaafeynkara aayaha umadda soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News