Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in mudo dheeri ah lagu kordhiyay Waqtiga uu sii soconayo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Mudug iyo Galgaduud.
Wakhti kordhintaani ayaa waxaa Saxaafada u xaqiijiyay Nabadoon Diiriye Cali Abti Doon oo sheegay in qorshuhu uu yahay in mudo bil ah uu sii socon doono Shirka sababo la xiriira Beelaha qaar oo wali aan is arkin si loo heshiisiiyo.
Wuxuu tilmaamay muhiimadu inaysan aheyn shirka oo furma islamarkaana dhamaada, balse ay muhiimadu tahay inay isku uur fiyoowadan Beelaha uu u dhexeeynayo heshiisinta.
Dhanka kale waxa uu Nabadoon Diiriye sheegay in Colaada Guriceel iyo qabsoomida Shirka dhismaha Maamulka Mudug iyo Galgaduud uu isku xiran yahay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

