Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ayaa ka taagan in ay furmaan wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya ee la filayo inay ka dhacaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Wafdiga labada garab oo wada degan Hal Hotel, ayaa waxa ay halkaasi ku qaadanayaan kulamo gaar gaar ah oo ku saabsan sida ay ka yeeli lahaayen Shirka oo Khilaaf hareereeyay.
Wufuuda ka socta Maamulka Somaliland ayaa diiday inay la fariistaan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Somaliland.
Wafdiga dowladda waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Duulista Haawada Cali Jaamac Jingali oo labadaba kasoo jeeda Somaliland.
Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland ayaa goor sii horeysay wacad ku maray in aysan la fariisan doonin Wafdiga hadii aan laga saarin xubnaha kasoo jeedo Somaliland.
Waa caqabad kale oo hor leh oo haysata wajiga 8-aad ee wadaxaajoodka udhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland oo intiisa badan aan ahmiyada la siinin waxyaabaha muhiimka ah in laga wadahadlo.
Dhanka kale, furitaanka kulanka ayaa waxaa hortaagan caqabad ah in shirka laga saaro Wufuuda DF Somalia u mataleysa shirka oo asal ahaan kasoo jeeda Deegaanada Somaliland.
Shalay ayay aheyd markii War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in dowladdu ka go’an tahay in Somaliland markan kala hadasho arrimaha siyaasada, isla markaana la dar dar geliyo wada hadalada.
Waxaa la sugayaa tallaabada ay qaadaan xubnaha Dowladda u matalaya wadahadalkaasi iyo sida ay ka yeeli doonaan diidmada xubnaha Soomaaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

