28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Wasiirka Gaashaandhiga oo GURICEEL tagay & qorshe cusub oo socda (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada gaashaandhiga C/qaadir Sheikh Cali Diini, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo uu ka arimiyo maamulka Ahlu sunna oo gacan ku heynta magaalada kala wareegay dowlada Soomaaliya.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ujeedada ka dambeysa in wafdiga dowlada Soomaaliya ay tagaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo dagaalo ay ka dhaceen.

Ujeedada ugu dambeysa ayaa ah sidii xal buuxa loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalada labada dhinac ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in wafdiga wasiirka gaashaandhiga ay doonayaan in Ahlu sunna iyo ciidamada dowlada ay ku hishiiyaan maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa lq qorsheynayaa in wasiirka gaashaandhiga uu gudaha u galo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasina uu kula kulmo xubnaha Ahlu sunna ee kus ugan degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News