Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee heshiis cayaareed oo rasmi ah (Professional) u saxiixa koox kubadda cagta ah ee woqooyiga America.
Cumar oo 19 jir ah ayaa waxa uu qandaraas u saxiixay kooxda kubadda cagta ee FC Cincinnati ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.
Kooxda Cincinnati ayaa ah koox dhowaan la aas aasay oo horyaalka kubadda cagta ee United States Soccer League kusoo biireysay xilli cayaareedka sanadkan 2016.
Cumar waxaa uu kasoo jeedaa qoys kubadda cagta Soomaaliya taariikh ku leh, waxaana abti u ahaa allaha u naxariistee goolhayihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Jeenyo Ayuub Sheekh Abuukar Macallin oo ku caan ah magaca Ayuub Jeenyo.
Xafladda uu qandaraaska ku saxiixay Cumar hoos ka daawo, geyso daqiiqadda 5:30.

