24.2 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Odayaasha Jubba oo diiday qorshaha Michael K.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka jubbaland ayaa sheegaya in Odayaasha deeegaanka ay qaadaceen dalabkii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating.

Odayaasha ayaa sheegay in QM aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha dalka ka taagan waxa ayna sheegen in xiligaani Somalia ay usii hogaamineyso ku dhaqanka 4.5.

Odayaasha oo kulan ku qaatay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in Danjire Michael Keating uu ka Siyaasad daciifsan yahay Danjirihii wakhtigiisu dhamaaday waxa ayna cod dheer ku sheegen in Kismaayo aan laga aqbali doonin 4.5.

Odayaashu waxa ay sidoo kale sheegen in Beesha Caalamka ay si cad ula safan tahay Dowlada Somalia taasina ay ugu wacan tahay diidmada ay diidayaan nidaamka 4.5.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayay u sheegen in marnaba uusan ula imaan karin waxa ay ugu yeeren nidaamka lagu soo dhoodhoobay magaalada Muqdisho ee 4.5.

Dhanka kale, waxa ay ka digeen in Michael Keating iyo xubnaha kale ee Beesha Caalamka ay iska horgeeyan Soomaalida iyaga oo marba dhinac u kala dabqaadaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News