Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ku sugan yihiin Wafdi ka socda Beesha Caallamka ayaa waxaa soo baxaayo warar kala duwan oo ku saabsan kulamadii ay maamulkaasi la qaaten.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo Saxaafada kula hadlay Madaxtooyada Maamulka ayaa sheegay in maamulkiisa uu taageersan yahay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho, Inkastoo uu xusay in ay jiraan qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanada maamulkiisa oo qaba aragti ka duwan mida maamulkiisa.
Shariif Xassan ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta iyo soo dhaweynta qodobadaasi ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran sidoo kalana ay u bisil yihiin in dalka uu ka dhaco doorasho xalaal ah.
Shariif Xassan waxa uu Siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur galbeed ugu baaqay in ay taageeran wax weliba oo dan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Keating ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay u tageen in ay cabiraan aragtida dadka deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ku nool ay ka qabaan qaabka doorasho kaga dhici karto Somalia sanadkaan balse ay soo dhaweeyeen beesha caalamka qodobadii shirka wadatashiga qaran.
Mr Keating waxa uu carabka ku adkeeyay in arrinta doorashada ay tahay mid u taala Soomaalida oo kaliya wuxuuna geesta kale meesha ka saaray in beesha caalamka ay fara gelin ku heyso arrimaha u gaarka ah Somalia.
Geesta kale, Keating ayaa cod dheer ku sheegay in mudnaanta koowaad ay siin doonaan Dowlada Somalia, islamarkaana ay qaadan doonaan wax waliba oo ay wanaag u aragto Dowlada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]