25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Erdogan oo taageeray qorshe uu XASAN xilka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa taageeray sanadkaan iney doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, si loosoo doorto hogaan cusub oo dalka Soomaaliya uu yeesho.

Erdogan, ayaa isaga oo ka hadlayay shirka dalka Turkiga wuxuu sheegay in dowlada Turkiga ay sanadkaan u aragto ahmiyada koowaad ee siyaasada Soomaaliya iney tahay doorasho xalaal ah oo ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Taageerada Siaasada Soomaaliya ayuu  cadeeyay iney ku bixin doonaan dhaqaalo badan si loo helo hogaan cusub oo badala dowlada waqtigeed sii dhamaanayo.

Dowlada Turkiga ayuu sheegay iney ka go’an tahay iney taageero muuqato siiso dowlada Soomaaliya, si loosoo celiyo xasiloonida iyo nabad galyada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale bulshada caalamka ugu baaqay iney maalgashi dheeraad ah ku sameeyaan dalka Soomaaliya, si loosoo celiyo kaabayaasha dhsaqaalaha Soomaaliya.

Erdogan oo ka hadlayay safarkii uu sanadkii 2011 ku yimid dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inuu ahaa mid soo celiyay rajadii ay laheyd Soomaaliya, iyadoo kadibna dadaalo caalami ah lagu bixiyay arimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Turkey
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News