Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maamulka Puntland ka qeyb galay shirka siyaasada Soomaaliya ee shalay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wakiilo matalayay maamulka Puntland ayaa dowlada Soomaaliya ay shaacisay iney goobjoog ka ahaayeen shirka siyaasada Soomaaliya xooga lagu saarayo ee ka socdo magaalada Istanbul.
Daa’uud Aweys, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wakiilo ka socdo Puntland ay maamulkaasi u matalayeen shirka magaalada Istanbul.
Madaxweyne Gaas oo la filayay in shirkaasi ka qeyb galo ayaysan dhicin, balse dowlada ayaa sheegtay in wakiilo ka socdo Gaas ay shirka ka qeyb galeen, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.
Dhinaca kale afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la filayo in lasoo gabo-gabeeyo shirka ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, lagana soo saari doono warmurtiyeed.
Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo badan oo matalayay dowladaha daneeyo arimaha Soomaaliya iyo ururo badan oo caalamka matalayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]