Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ku ceeboobay weerar uu xalay ku qaaday wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Sida ay Caasimada Online qortay saaka, Tuuryare ayaa wasiirka ku sheegay beenlow, ka been sheegay weerarkii xalay, oo ahaa in afar askar oo NISA ka tirsan lagu dilay weerarka.
Hadalka Tuuryare, oo uu soo dhigay barta Facebook, ayaa u dhignaa sidan.
“Tilaabo cad ayaa laga qaadayaa Ciidankii dhagarqabayasha shacabka xasuuqay ka soo gudbiyay dhamaan kontarooladdii Ciidamadda NISA joogeen. Waxeey ceeb iyo gef ku tahay Qaranimadda in Wasiir Qaran ka been sheego khasaaraha ka dhashay falkaan foosha xun . Qaraxyadda dhacay iyo xasuuqa UGUS kuma dhiman qof iyo 5 NISA ah balse waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 33 qof. Rabbi ha u naxariisto dadkii argagixisada xasuuqday. Amaanka laguma aaminI karo dhagarqabe.”
Si kastaba, waxaa iminka muuqata in qofka xaqiiqda ka been sheegay inuu yahay Tuuryare, maadaama ay dhab noqotay in afar askar NISA looga dilay weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo beerta nabadda.
Afarta askar ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online xaqiijisay islamarkaana soo daabacday sawirada aaskooda.
Halkan ka aqri warka aaska qaran iyo sawirrada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]