27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xasan Sh. oo ku haftay su’aasha TV caalami ah!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ku haftay Su’aalo uu weydiiyay TV-ga caalamiga TRT World, kuwaasi oo la xiriira Musuq-maasuqa caadada ka noqday dhanka Madaxda DFS.

Su’aalaha la weydiiyay Xassan Sheekh ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa sida uu ku xalin doono khilaafka kala dhexeeya maamulka Puntland ee ka dhashay nidaamka 4.5.

Madaxweyne Xasan waxa uu Wareysigiisa TV-GA TRT World ku beeniyay in Dowladiisa ay saaxiib u tahay Musuqa-maasuqa iyo Cadaalad darida, waxaana ku cuslaaday in xal uu u keeno sida looga hortagi lahaa Musuqa ay gacanta kula jiraan Madaxda DF.

Xassan Sheekh oo cabsi saa’id ah ka qabay ka jawaabida Su’aasha ayaa sheegay in dalka Somalia uu dhaawac ka soo gaaray magac xumada arrimaha Musuq-maasuqa balse wuxuu sheegay in musuq maasuqa lagu eedeeyey uusan jirin.

Xassan Sheekh isaga oo marmarsiyo u sameynaaya Musuqa ayuu sheegay in eedeymaha noocaasi ah tahay fikir ama mala’awaal ay sameeyeen hay’adaha baara musuq maasuqa caalamka ka jira.

Waxa uu cadeeyay in Somalia iyo dalka Kuuriyada Waqooyi ay yihiin kuwa ugu musuqa badan adduunka, taasina ay tahay mid aan suuragalin karin xaqiiq u helida.

Xassan waxa uu waxkama jiraan ku sheegay Musuq-maasuqa lagu eedeynaayo Dowladiisa,waxa uuna hal ku dhig ka dhigtay inuu la socdo in Caalamka oo idil ay aaminsan yihiin in Somalia ay koow u tahay Musuqa.

Musuqa ka sokow mar Xassan Sheekh wax laga weydiiyay qaabka uu ula tacaamuli doono Puntland marka la eego nidaamka 4.5, ayuu Xassan Sheekh in Heshiiska lawada gaaray uu yahay in Somalia lagu sii maamulo 4.5, waxa uuna tilmaamay in Puntland ay dhinaceeda kasoo raaci doonto DFS iyo Maamulada dalka ka jira.

Puntland ayuu sheegay xili uu u waramaayay TV-ga TRT Zeina Awad inay garan doonto waxa maslaxada ugu jira, waxa uuna sheegay Xassan in 100% uu kalsooni ku qabo in Puntland ay ku dhaqmi doonto nidaamkaasi.

Geesta kale, waxa uu bidhaamiyay calaamado muujinaaya in mar kale uu Somalia kusii xukumi doono fashilka hadda ka heysta Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News