Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid u gudbiyay warqado cabasho ah.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in dacwada Wasiirka amniga ay tahay mid laxiriirta Taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo uu sheegay inuu u bareeray qalqal galinta amniga.
Wasiir C/risaaq waxa uu labada mas’uul u sheegay in Tuuryare uu dhowr jeer ku wargaliyay dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo ka taagnaa qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir balse uusan talaabo u qaadin isaga.
Wasiir C/risaaq waxa uu sheegay in amni darida ka taagan magaalada Muqdisho uusan aheyn mid khuseeya Wasaarada, waxa uuna si cad u sheegay inuusan awoodin in uu la shaqeeyo Taliye aan u jilicsaneyn amarka Wasaarada amniga.
C/risaaq waxa uu carab dhabay in cilada amni darro ee ka jirta magaalada Muqdisho uu sabab u yahay C/raxmaan Tuuryare, waxa uuna Wasiirku sheegay in 4 meelood 3 dhig aan ciidamada NISA lasiin mushaaraadkooda, taasi oo sababta koowaad uu ka dhigay amni darada ka taagan magaalada Muqdisho.
Qoraalka dacwada ah ee uu gudbiyay Wasiir C/risaaq ayaa ah mid aan horay loogu arag Wasiirka, waxa ayna taasi ka danbeysay kadib markii la tilmaamay in Wasiirka iyo Taliyaha uu ka dhex taagan yahay Khilaaf marba marka xigta sii baahaya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa sii ololaaya Khilaafka xiligaani ka dhextaagan Wasiirka amniga iyo Taliyaha NISA, waxa ayna saadaashu tahay in mid kamid ah labadaasi mas’uul uu xilkiisa weyn doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]