Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney la wareegayaan amaanka caasimada Soomaaliya, maalmaha soo socda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir.
Afhayeenka gobolka Banaadir C/fataax Xalane, ayaa sheegay in maalmaha soo socdo ay la wareegi doonaan amaanka guud ahaan ee caasimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in hayadaha amaanka ee gobolka ay wadaan dadaalo dheeri ah oo lau xaqiijinayo amaanka caasimada Soomaaliya.
Maamulka gobolka gobolka Banaadir ayaa horey loogu wareejiyay amaanka caasimada Doomaaliya, laakiin hadalka afhayeenka ayaa u muuqda mid wali amaanka lagu wareejin gobolka Banaadir.
Labadi maalin ee uu dambeysay ku dhawaad shan ruux ayaa siyaabooyin kala duwan loog dilay magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]