Muqdisho (Caasimada Online)-Majaajiliistaha sida weyn loo yaqaan ee Oday Cabdulle ayaa riwaajad xaqiiq hadal ah ka sameeyay amaanka caasimada Soomaaliya ee maalmahaan sii xumaanaya iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Oday Cabdulle, wuxuu sheegay in dilalka magaalada Muqdisho ay noqdeen kuwo qorsheysan oo lala eegto dadka magaalada ku sugan, isaga oo sheegay in la badalay farsamadii hore ee dilalka loo geysan jiray.
Ruwaayadiisa ayaa wuxuu sidoo kale ku sheegay in bil ka hor magaalada ay ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo dad badan ay ku dhinteen, laakiin hadda dilalka ay noqdeen gaari ordaya oo gaari kale lagu horjaro.
Dhinaca kal wuxuu ka hadlay madaafiic dhawaan kusoo dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooada Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/cabdule.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimadalive.com