Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Talyaaniga ayaa waxaa wali ka furan kiiskii la xiriiray dilka Saxafiyadii lagu magacaabi jiray Ilaria Alpi iyo Sawir qaadaheeda Miran Hrovatin oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Dilka Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin ayaa waxa uu Somalia ka dhacay sanadka marka uu ahaa 1994-kii, iyada oo kiiska dilkaasi uusan wali xirnim, ayaa waxaa dusha loo saaray falkaasi ruux magaciisa lagu sheegay Hashi Omar Hassan oo haba yaraatee arrinta dilkaasi waxba kala socon.
Alpi iyo Miran Hrovatin, ayaa xiliga uu dilkooda dhacaayay kamid ahaa shaqaalaha RAI TV ee dalka Talyaaniga, waxaana lagu xisaabiyaa in kaalmaha koowaad ay kaga jireen dhanka shaqada.
Kiiska dilkaani ayaa waxaa ilaa iyo hadda u xiran Hashi Omar Hassan oo dhaqaale lagu bixiyay sida Kiiskaasi loogu cadeyn lahaa, waxa uuna Hashi Omar Hassan ku andacoonayaa in kiiskaasi uusan waxba kala socon balse madaxiisa lagu dul cunaayo dhaqaale adag oo bixitaankeeda ay ka qeybqaadanayaan Rag u dhashay dalka Talyaaniga.
Qareenada u doodaaya Hashi Omar Hassan ayaa qaba in maxbuuska uusan wax lug ah ku laheyn kiiska dilka, balse arrintaasi ay lugta la gashay Rag Talyaani ah oo dhaqaale adag ku bixinaaya sida Hashi Omar Hassan falkaasi uusan geysan loogu cadeyn lahaa.
Qareenadda waxay ku doodayaan inuusan Hashi Omar Hassan wakhtiga uu dilka dhacaayay uusan joogin Muqdisho, islamarkaana si khiyaano leh loogu soo kaxeeyey dalka Talyaaniga sidaana fal danbiyeedka lagu galshay.
Shaqsiga lagu magacaabo Ahmed Cali Raage oo kamid ahaa ragga xogagaalka u ahaa falkaasi, ayaa sheegay in Maxbuus Hashi Omar Hassan uusan lug ku laheyn falka lagu khaarijiyay Alpi iyo Miran Hrovatin.
Ahmed Ali Raage, ayaa qiraalkaani sheegay Bishii Feberaayo ee sannadkii hore xili uu u xog waramaayay Telefeshinka RAI TV, waxa uuna cadeeyay in dilka labada Saxafi loo sameeyay markhaati been ah oo Hashi Omar Hassan ku markhaati fura.
Ahmed Ali Raage, waxa uu cod dheer ku sheegay in sidii Hashi Omar Hassan danbigaasi loogu cadeyn lahaa aawgeed dalka Talyaaniga loo geeyay nin qira in Hashi Omar Hassan uu dilkaasi geystay, waxa uuna tilmaamay in ninkaasi abaal-marin looga dhigay in la damaanad qaadi doono wixii khuseeya noloshiisa si lacag la’aan ah, balse la hor dhigay in Hashi Omar Hassan uu falka dilka ku cadeeyo.
Dowlada Talyaaniga ayaa Kiiskaani u qaadeysa qaab khaldan, waxaana gaaraya codsiyo badan oo la xiriira ka fiirsashada kiiska.
SAWIRADDA HASHI CUMAR HASSAN OO DANBIGA DUSHA LAGA SAARAY