Garowe (Caasimada Online)-Wasiirka amniga maamulka Puntland oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay iney soo saareen amaro cusub oo dhanka amaanka ah si looga hortagaa dadka falalka amni darada geysanaya.
Amarada cusub ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in dadka ku sugan deegaanada Puntland iney heystaan kaarar aqoonsi oo Puntland laga wada yaqaan kaasi oo uu sheegay inuu sahlayo in la ogaado dadka amni darada geysanaya.
Dhamaad dadka shaqeynaya iyo dadka ku sugan deegaanada Puntland ayuu sheegay iney muhiim tahay iney qaataan cadeymaha muujinaya inuu iska diiwaan geliyay wasaarada amniga iyo arimaha gudaha ee Puntland.
Dadka kireeya guryaha magaalooyinka Puntland ayuu sidoo kale digniin u jeediyay isagoo sheegay ineysan ka kireyn karin guryahooda dad aan la aqoonin.
hoos ka dhageyso