Nairobi (Caasimada Online) – R/W Hore Cabdiwali Sheekh Axmed oo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa beeniyay in shirkii Nairobi ku dhex maray koox yar oo isku sheegtay in aay matalaan beesha Sade Mariixaan. Cabdiwali ayaa inkiray in heshiiska uu qeyb ka ahaa darbiga aay rabto Kenya in aay ka dhisato xuduudada labada dal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo ka hadlayay shirkaas ayaa si cad u sheegay in aay dhisayaan darbigaas dhismihiisana uu socda, ujeedka fadhigooda uu ahaa in aanay beesha Sade carqaladeyn dhismaha darbigaas. Cabdiwali Sheekh iyo Saacid oo labada goob ka ahaa shirkaas ayaa aqbalay dalabka wasiirka arrimaha gudaha Kenya.
Masuuliyiin iyo wax garad ka tirsan beesha Sade oo si weyn uga hor yimid shirkaas ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdiwali Sheekh iyo Saacid aanay matalin masiirka beesha Sade. Axmed Cabdi oo ka mid ah oday dhaqameedka aadka looga yaqaan gobolada Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in rag calooshood u shaqeysta yaal ah warna ka hayn waxa Gobolka Gedo ka jira aanay matalin shacabka Gedo ayuu yiri mar uu la hadlayay warbaahinta.
Sidoo kale siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beesha Sade oo la hadlayay warbaahinta ayaa ku tilmaayay wax laga xumaado falkii aay ku kaceen Cabdiwali Sheekh Iyo Saacid, waxayna wacad ku mareen in aanan looga hari doonin. Xildhibaanka ayaa sheegay in aanay masiirkooda u hoos geli doonin Kenyan iyo wixii la mid ah.
Halkan Ka Dhegeyso Cabdiwali Sheekh oo Inkiraya Derbiga
[su_audio url=”http://www.allshacabka.com/wp-content/uploads/2016/04/Cod-Cabdiwali.mp3?_=1″]
Halkan Ka Daawo Derbigii oo la dhisayo
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

