Roberto Di Matteo oo diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa diiday inuu ka hadlo hadii uu John Terry sii ahaanayo kabtanka kooxda.

Terry ayaana la ganaaxay afar kulan iyo 220 kun oo ginni, ka dib markii lagu helay inuu hadalo cunsuri ah u adeegsaday daafaca QPR Anton Ferdinand.

Terry oo aqbalay khamiistii ganaaxa, ayaa raali gelin ka bixiyey inuu isticmaalay luqadaas, halka loo qorsheynaayo inay Chelsea ciqaab marsiiso ciyaaryahanka, laakiin bedelkii banaanka ay usoo bixin lahaayeen ciqaabta la marsiinayo waxay ka dhigan doonaan mid sir u ah kooxda.

Di Matteo ayaa sheegay in Terry uu ogyahay hadii uu Chelsea kabtan usii ahaanayo – laakiin tababaraha ayaa diiday inuu qaato go’aan rasmi ah.

“Si waadac ah ugama hadalno ciqaabaheena dishibiliinka ee aan ku qaado ciyaaryahanadeena. Waxay u tahay mid qarsoodi ah. Waa inaad sugtaa aadna aragtaa,” ayuu yiri macalin Di Matteo.

“Waxyaabaha dhexdooda ah, iyo ficilada aan ku sameyno ciyaaryahanadeena, ma aan dooneyno inaan banaanka soo dhigni.”

Mar wax laga weydiiyey hadii uu Terry sii ahaanayo kabtanaka Chelsea, Di Matteo ayaa yiri: “Sanado badan ayuu halkaan soo joogay wuxuuna tusay tayadiisa.”

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.