25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Kenya oo dhexda kasoo gashay faragalinta doorashooyinka Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Dowlada Kenya ay faragalin qaawan kusoo sameysay doorashooyinka Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyatta uu martiqaad u fidiyay tirro Musharaxiin ah kuwaasi oo la loolamaaya Madaxweynaha hadda sii haya xilka Xassan Sheekh.

Musharaxiinta uu Madaxweyne Kenyatta marti galiyay ayaa waxaa kamid Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Mas’uuliyiin kale.

Dowlada Kenya ayaa Musharaxiinta u taagan doorashada ku dhex leh hal musharax, waxa ayna ka shaqeyneysaa sida musharaxaasi uu ku noqon lahaa Madaxweynaha Somalia.

Kenya ayaa qeyb ka ah Dowladaha kasoo horjeeda Xassan Sheekh Maxamuud oo isaga doonaaya in mar kale uu xilka qabto.

Sidoo kale, magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sugna musharaxiin kale kuwaasi oo dadaal ugu jira in Heshiis hoosaad ay la galaan Dowlada Kenya, inkastoo Kenya aysan waxba u arag musharaxiintaasi kale.

Dhinaca kale, Kenya ayaa ku hamineysa inay carqaladeyso dacwada Badda Somalia ee iminka la filaayo inay soo baxdo natiijadeeda.

Caasimada Online
Xfiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News