27.1 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Gen. Gabre iyo Keating oo hishiis ku qasbaya Gaas iyo Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo shalay tageen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku sugan Gen Gabra iyo wakiilka Qm ee Soomaaliya Micheal Keating.

Kulan gaar ah ayaa wuxuu garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo wuxuu ku dhexmaray madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas, Gen Gabra iyo Micheal Keating.

Kulanka ayaa hordhac u ahaa kulanka madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayo  nabad gelyada iyo xasilinta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Genaral Gabra oo si weyn Soomaaliya looga yaqaan muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxa uu wadaa wadahalada u dhaxeeya labada madaxweyne ee Gaas iyo Guuleed.

Waxaa horey labadan madaxweyne ay hishiis ku gaareen magaalada Gaalkacyo, bishii December ee sanadkii 2015 , iyadoo haatan la filayo iney hishiis kale kal gaaraan dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News