Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in xuquuqda Gobolka Banaadir u doodi doonaan.
Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo xubnaha aqalka sare ee Hirshabeelle oo uu hogaaminayo madaxweynaha Hirshabeelle ayuu ka sheegay in gobolka Banaadir xuquuqdiisa ay u doodi doonaan xildhibaanada Hirshabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle aysan Aqbali doonin in la dulmiyo dadka degan gobolka Banaadir, isla markaana xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ay ka qeyb qaadan doonaan raadinta xuquuqda gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa isna ku baaqay in uu raadiyo xuquuqda gobolka Banaadir.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA HIRSHABELELE
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

