30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Kooxda Xasan oo wax aysan fileyn kala kulmay Cadaado (Maxaa dhacay?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada ay ka heleyso magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in lagu fashiliyay qorshe ay damacsanaayeen kooxda Damjadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonayay inay afgambiyaan doorashada seddaxda xubnood ee beesha Waceysle lagu soo dooran lahaa Cadaado.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka oo ka socoto magaalada Cadaado ayaa waxaa labo maalmood ka hor soo gaaray Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdikariin oo u sharaxan aqalka hoose ee jufada Cali Gaaf ee uu ka dhashay Xasan Sheekh, Ganacsadaha Caddow Cali Gees iyo xubin kale oo kooxda Xasan Sheekh ka tirsan oo lagu magacaabo Gadafeey, una dhashay beesha Absuge.Seddaxdaasi musharax ayaa doonayay in ay afgambiyaan musharaxiinta kale ee la tartameysay, iyagoo la kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Seddaxdaan xubnood ayaa waxay kala hadleen C/kariin Guuleed in lasoo dedejiyo doorashada beesha Waceysle, hase ahaatee wuxuu ka cudur daartay Mr. Guuleed in arrintaasi uusan wax shaqo ah ku laheyn, ayna haboon tahay in lagala hadlo guddiga doorashada ee ku shaqada leh.

Waxay kaloo ay ka codsadeen madaxweynaha Galmudug in ergada beesha Waceysle oo weli aan imaan Cadaado aqoonsiyadooda iyo kaararka muujinaayo erganimada in qaab Online ahaan loogu sameeyo iyagoo Muqdisho ku sugan, taasoo hareer marsan sharciga ay soo saareen guddiga doorashada madaxa bannaan, taasina uu ka horyimid C/kariin Guuleed, waxayna isku dayeen in ay guddiga arrimahaasi kala hadlaan, balse laga aqbali waayay.

Ujeedada laga lahaa labadaasi qodob ee kor ku xusan ayaa aheyd in si deg deg ah loo qabto doorashada si ay ugu soo baxaan, waxaase qabtay sharciga iyo qaanuunka u degsan guddiga doorashada.

Diyaaraddii ay la socdeen ayey dib ugu laabteen Muqdisho iyagoo niyad jabsan oo u fuli waayay qorshaha qaldan ee looga soo dhiibay Madaxtooyada.

Waxaa cad in musharaxa madaxtooyada Saadaq C/kariin uu la tartami doono Cabdullaahi Cali Xasan oo ah aqoonyahan miisaan culus ku dhex leh bulshada rayidka kaasoo loo saadaalinaayo xilkaan, halka Caddow Cali Gees kursigiisa uu iska cad yahay inuu hannan doono, waxaase la saadaalin karin kursiga Gadafeey.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News