25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Yey ka socon la’dahay doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka taagan muran u dhexeeya Beesha Murusade kaasi oo salka ku haya qeybsiga Kuraasta.

Muranka Beesha ka dhex aloosan ayaa waxaa ololinaaya mas’uuliyiin xilal kala duwan ka heysa DF iyo kuwo horay uga soo qabtay xilal.

Waxaa magaalada ku sugan Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Gen. Gaafow oo iwata laba musharax oo uu kamid yahay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo walaalkiisa Cabdulqaadir Gaafow oo dalka Canada ka yimid, waxaana la soo warinayaa in iyagana kuraasta lagu heysto.

Gen. Gaafow ayaa magaalada Cadaado ku heysta ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo magaalada Muqdisho looga soo daadgureeyay Diyaarad, waxa uuna qorshahoodu yahay in awooda ciidamadaasi loo adeegsado shaqsiyaadka Kuraasta ku heysta labadaasi mas’uul ee aan kor kusoo xusnay.

Dowlada Somalia weli kama aysan hadlin arrintaani cusub ee ka taagan magaalada Cadaado.

Xaalada magaalada Cadaado ayaa ah mid saaxiib u ah Muran iyo Khilaaf hakiyay howlihii Qaranka, waxaana halkaasi ka taagan caqabado lidi ku ah dhameystirka doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News