Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa banaan ee xalinta Khilaafaadka ee doorashooyinka dabdan (GMXKHDD) oo walaac ka muujiy xog sheegeysay in musharaxiinta qaarkood ay ergada doorashada ay si toos ah u maamusheen isla markaana mas’uul ugu noqdeen dejintooda iyo bixinta tasiilaadka ergada ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in guddiga ay isha ku hayaan musharaxiinta beesha Waceysle ee kala ah ganacsade Caddow Cali Gees iyo Saadaq Cabdikariin oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada Xasan Sheekh.
Labadaan musharax ee u tartamaya aqalka hoose ee jufooyinka Cali Gaaf iyo Macalin Dhiblaawe ayaa xogtu sheegeysaa in ay faragelin ku hayaan ergooyinka beesha ee dooranaya musharaxiinta midka ay u arkaan inuu mudan yahay xilka beesha.
Qoraalka guddiga soo saaray ayaa lagu sheegay in musharaxiinta la tartameysa aysan helin fursad ay kula kulmaan ergada doorasho, taasina ay ka hor imaaneyso xuquuqda musharaxa kale oo fursad loo siin inuu barnaamijkiisa ka iibiyo ergada dooraneyso.
Ganacsade Caddow Cali Gees ayaa diyaarad qaadkeedu weyn yahay wuxuu ku keenay ergada beesha Macalin Dhiblaawe ee Waceysle, wuxuuna dejiyay hal meel isla markaana dhaqaale fara badan uu u balan qaaday ergada.
Waxaa suuragal noqon karta haddii lagu helo eedeymaha guddiga GMXKHDD ee faragelinta iyo u adeegsiga lacagaha in uu weyn doono musharaxnimadiisa, balse dadka qaarkood ayaa aaminsan in xitaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka uu iibsan karo maadaama uu haysto dhaqaale badan.
Dhinaca kale, musharaxa madaxtooyada ka socda ee Saadaq ayaa faragelintiisa ay guddiga ku isha ku hayaan isagoo haddii lagu helo eedeymaha guddiga ay u jeediyeen musharaxiinta aqalka hoose in uu weyn doono musharaxnimadiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]