25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Arimo halis badan kuna soo wajahan Soomaaliya oo laga digay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinaha laga bixinayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Hayada Maareeynta masiibooyinka qaranka Soomaaliya ayaa ka hadashay abaaraha ka jiro deegaano dhowr ah, iyadoo ka digtay in xaaladaha abaaraha ay kasoo darto haddii aan waxba laga qaban.

Maxamed Sheikh Xasan oo ah Madaxa dabagalka iyo kormeerka ee Hayada ayaa sheegay in hadda xoolaha u dhimanayaan abaaraha ka jira deegaano badan, isagoo sheegay in haddii roobab kale aysan di’in laga yaabo in dadka abaarta u dhintaan.

Deegaanada abaaraha ugu daran ka jiraan ayuu sheegay iney katirsan yihiin Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo deegaanada Somaliland oo xoolaha biyo la’aan u dhimanayaan.

Meelaha hadda ugu daran gobollada Koonfureed waa Gedo iyo Jubada Hoose, gobollada dhexe waa Mudug, Waqooyi Galbeedna waa Togdheer iyo kuwo kale, marka dedaal badan waa la wadaa, ka warqab la’aan ma jirto marka nabaad guurka dhirta ee dalka ku dhaceysa ayeey abaarta sii nugleysay”.

“Haddii bilahan aysan di’in roobka waxaa laga yaabaa in dalka xaalad degdeg ah uu galo oo mushkiladda intaan kasii badnaato, dadka hadda xoolahoodii dhimashada billaabeen waxay ku xigaya dadka marka taas ayaa laga baqayaa”

Soomaaliya sanadkii 2011 ayaa waxaa ka dhacday abaar daran, waxaana iminka la sheegayaa in xaalada ay sii xumaan karto hadduu aan ka helin biyo dhaamin amma roobab aysan da’in.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News