31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Ciidamada Amisom oo toogtay mid ka mid ah ergada wax dooraneysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay toogteen mid kamid ah ergada wax dooraneysay.

Ciidamada AMISOM ee ilaalinaya hoolka doorashada ka dhaceyso ayaa toogtay ruuxa ergada kamid ahaa kadib markii ay sheegeen iney ka shakiyeen.

Toogashada oo ka dhacday magaalada Cadaado ayaa markii rasaasra ay rideen ciidamada AMISOM waxaa lagu kal cararay halka doorashada ka socotay.

Ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Burundi oo dhawaan la geeyay magaalada Cadaado ayaa toogtay ruuxa kamid ahaa ergada walow aan wali magaciisa la helin.

Ciidamo ka kala socdo Burundi iyo Jabuuti ayaa ku sugan magaalada Cadaado waxayna xaqiijinayaan amaanka goobta doorashada.

Waxaa kacsanaan laga dareemayaa magaalada Cadaado, waxaana laga baqayaa in beesha uu matalayay gadood sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News