32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Turkiga oo is dhiibay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Dowlada Turkiga ay ku dhaqaaqday talaabo cabsi galineysa Milliteriga dalkeeda, ayaa waxaa soo baxaaya in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Turkiga ay megengelyo waydiisteen Jarmalka.

Saraakiisha iyo Ciidamada megengelyada waydiistay Jarmalka, ayaa kamid ahaa Ciidamada ku sugan xarunta NATO ee dalka Jarmalka.

Saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga ee dalkaasi magangalyada weydiistay ayaa cabsi ka muujiyay in la maxkamadeeyo, waxaana jira tuhun muujinaaya inay kamid ahaayen garabkii Afganbiga ku fashilmay.

Dowlada Turkiga ayaa dhawaan xirtay kumannaan ka mid ahaa Militeriga iyo shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay bishii July.

Dowlada Jarmalka weli go’aan kama aysan gaarin Saraakiisha iyo Ciidamada isku dhiibay ee magangalyada weydiistay.

Dhinaca kale, waxaan talaabadaani wali ka hadal Dowlada Turkiga oo iyadu wada kala sifeynta ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News