26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Wiilka madaxweyne ku xigeenka HirShabeele oo la dhaawacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in gudiga doorashada aqalka hoose ee HirShabeele iney go’aan cad ka qaadan doonaan iska hor imaadkii xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Shaqaaqada xalay ayaa ka dhalatay kursiga Gudundhabe gaar ahaan Jidle, waxaana isku hayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo musharax kale.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa helay 21 cod halka musharaxa la tartamayay u helay 23 cod, waxaana wasiirka uu dareemay in haddii wareeg labaad la galaa in doorashada looga guuleysanayo.

Kadib waxaa israsaaseyn ay dhexmartay ilaalada wasiirka iyo ilaalada Musharaxa kale, kadib markii wasiirka uu ka baxay hoolkii doorashada ay ka socotay.

Wiil uu dhalay madaxweyne ku xigeenka HirShabeele Cali Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu dhaawac soo gaaray.

Wiilka uu dhalay madaxweyne ku xigeenka ayaa rasaas ay ugu tagtay hoygooda, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Labadaan Musharax ayaa isku haysta Kursi kamid ah Kuraasta Beesha Gugun-dhabe ay ku leedahay Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda,waxaana Maanta la filayaa in Murankaas Xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News