Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia.
Doorashada ka socta magaalada Cadaado ayaa waxaa ku loolamaaya Musharaxiin kala duwan kuwaasi oo doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub.
Doorashada ka socta magaalada Cadaado ayaa waxaa kusoo baxay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi.
Axmed Fiqi ayaa helay 45 Cod waxa uuna ka guuleystay Musharaxii kula la loolamaayay doorashada.
Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida ba’an kaga soo horjeeda Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Fiqi uu malamihii dhowaa heshiis hoose la galay Xasan Sheekh, sidaas darteedna aysan kooxda Damu-Jadiid wax cadaadis ah saarin doorashadiisa.
Heshiiskan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu dalaal ka ahaa Abshir Bukhaari oo isna dhowaan loo doortay inuu ka mid noqdo Aqalka Sare.
Fiqi oo horey uga mid ahaa kooxda Aala-Sheekh ayaan la ogeyn inuu ka dhabeyn doono heshiiskan iyo tani ay ahayd oo kaliya siyaasad uu dheelay oo uu gool kaga dhalinayey kooxda Damu-Jadiid.
Kooxda Damu-Jadiid oo dhaqaalihii dalka umadda gacanta ku haysa ayaa ay adag tahay inay ka hortagaan muusharaxiin aan haysan dhaqaale ku filan.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]