26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Arrin cusub oo kusoo korortay Qandala oo ku jirta gacanta Daacishta Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Daacishta Somalia, ayaa la soo warinayaa inay isku faafiyeen Deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Maleeshiyaadkani ayaa la sheegayaa in mudada kooban oo ay heystaan Degmada Qandala ka qorteen dhalinyaro kor u dhaafeysa 30 kuwaasi oo qeyb ka noqon doona maleeshiyaadka Qandala heysta.

Dhalinyarada ay Qandala ka qorotay Daacishta Somalia, ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo adeegsado weerarada iyo qalalaasaha Qandala maadaama ay yihiin kuwo aqoon ku filan u leh deeganka.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo iminka ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in cadadka maleeshiyada uu iminka sii kordhay, waxa uuna intaa ku daray in dagaalyahaanada ay si caadi ah u kireystaan guryaha.

Waxa uu intaa kusii daray in dagaalyahaanada Daacish ay gudaha magaalada wareegan Hub la’aan waxa ayna taa ka dhigan tahay inay is leheysiiyen Degmada.

Ciidamada maamulka oo duulan ku ah maleeshiyaadka heysta Qandala ayaa iminka ku sugan meel masaafo aad u yar u jirta magaalada waxaana lagu wadaa in gudaha Asbuucaani ay gudaha u galaan Degmada.

Dhinaca kale, Jawiga Degmada Qandala ayaa ah mid cabsi laga dareemayo, waxaana suuragal ah in wakhti waliga lagu qaado weerar.

qandala-1 qandala-2 qandala-3 qandala-6

- Advertisement -

Read more

Local News