Xog: R/W CC iyo saaxiibkiisa Carte oo qabyaalad ku kala tagey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo saaxiibkiis ahna ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte ayaa ku kala tegay Doorashada Dadban ee 2016 oo qabyaalad noqotay.

Ra’iisal wasaare Cumar Carte ayaa xilka ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay nin ay saaxiib dhow yihiin kadib markii xilkaasi loo dhiibay isagoo ahaa ra’iisal wasaarihii saddexaad ee ka hoos shaqeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Cumar Carte ayaa si dhow ula shaqeynayay saaxiibkiis tan iyo intii uu xilkaasi qabtay laakiin ugu danbeyn waxay soo gabagabowday saaxiibtinimadaas dhowaan markii la guda galay ololaha Dooroshada dadban.

Isku dhacay saaxiibada ay siyaasaddu kala geystay ayaa salka ku haya muran muddo dheer ka soo taagnaa Aqalka sare iyo qoondada Dirta Waqooyi oo Beesha Cumar C/rashiid iyo Puntland ay ku dhegan yihiin inay qeyb ka helaan qoondada Somaliland, waxaana arrinta uga sii daray markii Cumar C/rashiid faragelin ku sameeyay odayaasha dhaqanka Dirta Waqooyi oo taageerayaal uu ka sameystay.

Siyaasiyiin Beelaha kasoo jeeda Somaliland ayaa waxaa ka hoos sameysmay musharixiin iyo odayaal taageersan Cumar C/rashiid, taasoo keentay heer odayaasha Beelahaasi ay dalbadaan in Doorashada Dirta Waqooyi lagu qabtay xarunta Xalane arrintaas oo uu taageeray Cumar C/rashiid.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa dadaal aan kala har lahayn u galay inuu ka hortago qorshaha Cumar C/rashiid, isagoo jawaab cad u diray, kuna adkeystay inaysan jirin doorasho loo rarayo xarunta UN-ka ee Xalane.

Inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee Muqdisho ayaa hadda taageeraya madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana muuqata in Cumar C/rashiid ay tallaabooyinkiisa u soo jiideen inuu lulmiyo codadka beeshan, inkastoo uu rajo ka qabo inuu dhaqaale ku furdaamin karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com