25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Carte oo ku dhawaaqay arrin aad loogu farxo kadib markii uu..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in la kordhinaayo mushaaradka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kadib dhalashada sanadka cusub.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Xukuumada soo socta ay culeyska saari doonto miisaaniyada Ciidamada ee 2017.

Carte, waxa uu sheegay in mudnaan gaara ay siin doonaan Ciidamada Booliska, waxa uuna amaanay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska.

Carte, waxa uu sheegay in lagu dadaali dooni Miisaaniyada 2017-ka sidii qeyb weyn ay uga heli lahaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qabta shaqo adag.

Howlaha ugu badan ayuu sheegay inay qabtaan Ciidamada Booliska sidaana ay ku muteysteen in loo kordhiyo miisaaniyada.

Dowlada Somalia ayaa sanad waliba Mushaar kordhin u sameysa Shaqaalaha iyo Ciidamada kala duwan ee Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News