26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Qaramada Midoobay oo digniin adag kasoo saartay Doorashada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa mar kale ka hadashay Doorashooyinka xiisa leh ee ka socda Somalia, gaar ahaan Doorashada Gudoonka Baarlamaanka cusub ee Somalia iyo tan Madaxweynaha Somalia.

Joseph Contreras, oo ah Afhayeenka QM ee Somalia ayaa sheegay inay muhiim tahay in Doorashooyinka Somalia ay wakhtigooda ku dhacaan.

Joseph Contreras, waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin dib u dhac ku imaada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Somalia.

Mr Joseph Contreras, waxa uu sheegay Doorashada Soomaaliya hadii ay gaarto sanadka 2017-ka in ay ka dhalan karto khatar iyo dirir dheeraad ah, maadaama Doorashooyinka loo qorsheeyay in ay ku dhacaan sanadkan.

Afhayeenka waxa uu Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Somalia uga digay inuu isku dayo in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu maslaxadiisa u dib dhigo.

”Madaxtooyada kama aqbali doono in Doorashada Guddoomiyaha iyo tan Madaxweynaha ay ka yeesho sida ay doonto, waxaa lagu khasban yahay in doorashada aysan 2016 dhaafin”

QM ayaa sidoo kale sheegtay in ay bixi karaan dhaqaalo kale oo dheeraad ah amni daradana ay sii badan karto, hadii Doorashada Soomaaliya ay dhaafto waqtigii loo qorsheeyay.

Haddalka QM ayaa imaanaya xili Madaxtooyada Somalia iyo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ay isla dheelayaan qorsho lagu dib dhigaayo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News