25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xasan oo mar kale u dhoofay Ethiopia + Ujeedada Socdaalkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Magaalada Addis-abab kaga qaybgali doonaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo halkaasi kaga furmaya Hoggaamiyeyaasha Waddamada Gobolka.

Shirkan ayaa la filayaa inay ku kulmaan Madaxda Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, iyagoo halkaasi kaga wada hadli doona xaaladahii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Shirka kadib Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu halkaasi kula kulmi doonaa Madaxda IGAD, isagoo ka dalban doona inay garab kusiiyan Doorashada Somalia.

Khudbada uu Xasan Sheekh halkaasi ka jeedin doono ayaa qeyb ka noqon doonta dalabkiisa ku aadan in laga caawiyo Doorashada.

13-kii Bishii September ee sanadkan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Shirkii 28-aad oo ay yeeshaan Madaxda urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa waxa uu ahaa kii ugu horeeyay oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1976.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News