26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Villa Somalia oo arrin halis ah la damacsan xldhibaanada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh uu sameeyay Guddi wadahadal la gala qaar kamid ah Xildhibaanada cusub.

Guddigaani ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan gorgortan la sheegay in lagu kala iibsanaayo Kuraasta, waxaana la xaqiijiyay in lacagta Kuraastaasi uu bixin doono Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xassan ayaa Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ku amray in gorgortanka ay la galaan shaqsiyaadka ka tirsan Axsaabta mucaaradka iyo kuwa aan dhinaca raacsaneyn.

Xildhibaanada dhaqaalaha looga iibsanaayo Kuraastooda ayaa la sheegay in lasiin doono dhaqaale xoogan, waxaana jira ballanqaadyo kale oo Xasan Sheekh uu u sameynaayo Xildhibaanada laga iibinaayo Kuraastooda.

Waxyaabaha lagu il duufinaayo Xildhibaanada cusub ee Kuraastooda iibinaaya ayaa waxaa kamid ah in goortii uu soo laabto Xasan Sheekh laga dhigi doono Agaasimi wasaaradeed, Wasiir ku-xigeen IWM.

Boosaska laga iibiyo Xildhibaanada ayaa waxaa la doonayaa in lagu buuxiyo isla xubno kale oo ku heeb ah Xildhibaanka Booska laga iibinaayo, maadaama Guddiga Doorashooyinka ay yihiin kuwo uu Xasan Sheekh keensaday isla markaana laga filankaro inay kala bedelaan Liiska.

Geesta kale, Qorshahaani ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay caqabad ku noqoto Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News