Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in maanta lagu wado in dib loo dhigo xiliga Doorashada Madaxweynaha Somalia.
Dib u dhiga Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa maanta go’aan ka gaari doona Hogaamiyayaasha Madasha oo ku shirsan magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in Doorashada la gaarsiiyo sanadka cusub, sida aan xogta ku helnay.
Shirka Madasha ee iminka ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan Dhammaan dhinacyada ay khuseyso Doorashada.
Shirka Madasha oo Khilaaf ba’an uu ka taagnaa ayaa waxaa iminka soo baxaaya in go’aan leysla qaatay, waxaana leysku fahmay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha.
Madasha ayaa xili hore go’aan ku gaartay in Doorashada Madaxweynaha la qabto 28 December waxaana iminka muuqda Fashil ku imaaday xiliga la go’aamiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

