31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Musuq maasuqa lagu hayo dhaqaalaha dekadda Muqdisho oo meeshii ugu sareysay gaaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdiso (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Dekadda magaalada Muqdisho, ayaa sheegaysa in dhaqaalaha kasoo baxa halkaasi ay dhexda dhigtaan maamulka ugu sareeya Dekadda.

Dhaqaalaha kasoo baxa Dekadda oo xad dhaaf ah, ayaa waxaa lasoo warinayaa ineysan ku dhicin sanduuqa Dowlada, waxaana xusid mudan in dhaqaalahaasi uu qeyb ku leeyahay Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtiga ka dhamaaday.

Maamulka Dekadda ayaa inta badan ka faa’iida Canshuuraha laga qaado Maraakiibta iyo Doonyaha Ganacsiga, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan maamulka Dekadda.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in miisaaniyada ugu badan ee kasoo xaroota Dekadda ay qaatan Xasan Sheekh iyo Turkida gacanta ku heysa shirkada maamusha Dekadda, halka inta soo hartana ay qeybsadaan maamulka Dekkada ee dhanka DFS ka socda.

Macaashka labaad ee maamulka Dekadda markii laga soo tago Canshuuraha ayaa ah Musuqa Mushaaraadka shaqaalaha ka howlgala Dekadda kuwaasi oo xuquuqdooda lagu sameeyo musuq iyo isdabamarin aan qarsoodi laheyn.

Mushaaraadka Shaqaalaha ayaa waxaa si toos ah uga macaasha Maareeyaha Dekadda, Ku-xigeenkiisa iyo Seddexda mas’uul ee ugu quwada badan marka loo eego maamulka Dekadda.

Musuqa ka taagan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyla dhaamiyay shirkada laga leeyahay dalka Turkiga oo gacanta ku heysa Dekadda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia kama hadasho arrimaha ka socda Dekadda magaalada Muqdisho, maadaama ay halkaasi ka qaadato dhaqaale xad dhaaf ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News