25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Donald Trump oo fashiliyay qaraar ka dhan ahaa daandaansiga Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay faragalin ku sameeyay qaraar ay UN kasoo saari lahayd deegaameynta Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Qaraarka la hakiyay ayaa ahaa in la cambaareeyo sida Dowlada Israa’iil ay usii wado faafinta guryaha ay ka dhiseyso dhulka ay ka haysato Falastiin.

Faragalinta Madaxweyne Donald Trump ayaa aheyd si dib loogu dhigo codeynta oo Khamiistii shalay dhici lahayd, sababo la xiriira warqad codsi ah oo kasoo baxday Xafiiska Trump.

Faragalinta Trump, ayaa waxaa ku raacay Dowlada Masar oo markii hore codsatay qaraarka ayaa haddana dalbatay in dib loogu dhigo.

Sidoo kale, Saraakiisha dalka Masar waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdifitax Al-sisi iyo Trump ay arrinta uga wada hadleen telefoon, sidaana ay Masar ku qaadatay go’aanka hakinta.

Dhinaca kale, Trump iyo Al-sisi ayaa isku raacay in maamulka cusub ee US la siiyo fursad uu kula tacaalo xaaladda Falastiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News