Djibouti (Caasimada Online) – Dowlada Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celineyso dhammaan Qaxootiga dalkeeda ku dhaqan ee maganta ka heysta dalkeeda.
Go’aanka lagu celinaayo Qaxootiga Soomaalida ayaa waxaa shaaca ka qaaday Saraakiisha Hay’adda dawladda Djibouti u qaabilsan arimaha qaxootiga oo ku guda jirtay diyaarinta Qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi laga soo daabulaayo.
Madaxa hay’adda Xuseen Xasan Dharaar ayaa isna xaqiijiyay inay ka go’an tahay dib u celinta Qaxootiga waxa uuna tilmaamay in go’aankaasi uu yahay mid kasoo baxay Madaxda sare ee dalka.
Dowlada Jabuuti ayaa sida Kenya ku doodeysa in Qaxootiga Soomaalida ay gabi ahaan doonayaan in lagu celsho dalkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Djibouti
[email protected]