26 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xog: Faarax C/qaadir iyo GGXKH oo madaxa isla galay kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa sheegaya in Khilaaf culus uu ka dhex curtay Guddoomiyaha Guddiga C/risaaq Barre iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Xubnaha Guddiga ee aan xogta la wadaagnay ayaa sheegaya in Khilaafka uu imaaday ka gadaal markii Guddoomiyaha Guddiga uu Faarax C/qaadir ku wargaliyay inuu kamid noqon doono Xubnaha Cusub ee Beesha Caalamka ay dalbatay in Liiska laga saaro.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxa uu Xildhibaan Faarax C/qaadir u sheegay in Beesha Caalamka uu ka gudoomay Liiska Xubnaha laga saari doono Liiska Xildhibaanada waxa uuna Cadeeyay in Liiska ay ku jiraan Xubno farabadan.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale Xildhibaan Faarax u sheegay in amarka uusan aheyn mid uu isaga leeyahay balse ay wadato Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Khilaafka xoogiisa ayaa yimid kadib markii Faarax C/qaadir uu Hanjabaad u jeediyay Guddoomiyaha isagoo ugu goodiyay inuu la kulmi doono caqabad, haddii ay dhacdo inuu faragaliyo Xubnaha laga shakisan yahay in lagu soo doortay Hab musuq-maasuq ah.

Beesha Caalamka ayaa ku dhagan in kabadan 23 Xubnood oo la sheegay in lagu soo doortay qaab musuq-maasuq ah, waxa uuna muranku yahay mid ka taagan sida laga yeeli lahaa Xubnahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha kamidka ah Liiska ay diyaarisay Beesha Caalamka ayaa waxaa ku jira Xubno miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia kana mid ahaa Baarlamaanka uu wakhtigiisu dhamaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News