25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Musharaxee mudan inuu noqdo madaxweynaha dalka 2017-2021?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, ayaa waxaa kusoo qulqulaaya Musharaxiin dhowr ah oo u hanqal taageysa qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020-ka.

Musharaxiinta ugu badan ee dooneysa inay Hogaamiso dalka ayaa u qeybsama 4 qeyb oo kala ah:

1 – Musharax maciin biday Dowladaha Shisheeye oo laga leeyahay dano gaara oo ku-xeeran Kheyraadka dalka.

2 – Musharax dhaqaale kooban faraqa loogu shubay oo lagu dhiirigalinaayo inuu tijaabiyo Nasiibkiisa.

3 – Musharax isaga istaageeraya oo aan laheyn Dowlado ka caawiya dhaqaalaha iyo Fekerka Siyaasadeed ee uu ku duulaayo.

4 – Musharax magacdoon ah oo baadi-goob ugu jira kordhinta Taariikhihiisa si CV-giisa uu ugu biiriyo waxa uu qabtay ama uu ku dhiiraday.

Musharaxiinta ugu nasiibka daran ee dooneysa inay Hogaamiyaan dalka, ayaa waxaa leysku raacay inay yihiin kuwa ay wataan Shisheeyaha ee doonaaya in Kheyraadka dalka ay u gacan galiyaan dalka sida ba’an kaga soo horjeeda Horumarka Somalia.

Musharaxiinta ugu badan ayaa waxa ay taageero ka heystaan Dowladaha kala ah Britain, Mareykanka, Imaaraadka, Kuwait, Kenya, Qadar, Ethiopia iyo Turkiga oo gabi ahaantooda faraha kula jira Siyaasada Caaboon ee Somalia.

MUSHARAXEE AYAA HOGAAMIN KARA SOMALIA?

Dalka Somalia oo ku caanbaxay Dagaalada iyo Colaada ayaa xiligaani u baahan Madaxweyne ka caagan Dowladaha Shisheeye waxaana Somalia Hogaaminkara Musharaxa ama Madaxweynaha laga helo Sifaadka soo socda:

1-Inuu leeyahay Aqoon uu ku hogaaminkaro Bulshada dhowrka sano saaxiibka u aheyd burburka, Cadaalad darida iyo Barakaca.

2-Inuu leeyahay Cilmi ku saleysan waxa uu qaban doono sida Siyaasada.

3-Inuu ka maran yahay fal danbiyeed sida Dil uu horay u geystay, Boob qaran ama aan dacwad uga furneyn Maxkamad maxali ah ama mid caalami ah.

4-Inuusan kaalin ka qaadan Burburka Somalia iyo dhicitaanka Dowladii Dhexe ee uu hogaaminaayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

5-In Siyaasadiisa ay ka madax-banaan tahay Qabiil iyo Urur diimeed.

MAXAY U BADAN YIHIIN MUSHARAXIINTA DOONEYSA INAY HOGAAMISO SOMALIA?

Musharaxiinta ay tiradooda kor u dhaaftay 20-ka ee dooneysa inay hogaamiyaan Somalia ayaa gabi ahaantooda ka tirsan Xisbiyo iyo Urur diimeedyo, waxa ayna taa dhaawac muuqda u geysan doontaa Midnimada iyo Horumarka Somalia.

SHAQADOODA MAXAY SALKA KU HEYSAA?

Musharax waliba ee doonaaya inuu Hogaamiyo dalka kana tirsan Musharaxiinta u taagan Doorashada Somalia, ayaa ku asteysan Qabiil, waxaana cad haddii la doorto midkood inuu dharjin doono reerkiisa ama kuwa kale ee saaxiibada la ah.

Si kastaba ha ahaatee, Umadda Soomaaliyeed ayaa saadaalineysa waxa uu noqon doono Madaxweynaha la dooran doono, waxa ayna is weydiinayaan inuu buuxin karo baahidooda.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News