25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Diiwaan gelinta musharixiinta loolanka ugu adag u dhaxeeyo oo bilaabaneysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan gelinta musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ahna gudoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada baarlamaanka ayaa shaaciyay in maanta golaha shacabka ay ka bilaabayaan diiwaan gelinta musharixiinta.

Wuxuu sheegay in maalinta Khamiista ay ku egtahay in la qabtaa musharixiinta gudoonka baarlamaanka, waxaana muuqata in muddo labo maalin ah la siiyay dadka jagadaasi doonaya.

Waxaa jiro musharixiin badan oo aad loo hadal hayo oo dooneysa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kala wata musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Dagaalka ugu adag ee doorashada sanadkan ayaa ah doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo kala saari doonta cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaana xiisada ugu adag ee siyaasadeed ay u dhaxeysaa Xasan Sheikh, SHariif Xasan iyo Cumar C.rashiid Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News