Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay in Xidig uu yahay musharax gudoomiye baarlamaanka ayaa maanta waxaa xaqiiqowday arintaasi.
C/rashiid Maxamed Xidig oo uu wato Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo musharixiin kale ayaa sii adkeeyay loolankii horey u jiray ee u dhaxeeyay Xasan Sheikh iyo Shariif Xasan.
Labadii habeen ee ugu dambeysay waxaa jiray kulamo si toos ah iyo si dadban u dhacayay oo la doonayay in Xidig uusan isku sharaxin xilka gudoomiyaha baarlamaanka.
Prof Jawaari ayaa saaka shaaciyay inuu yahay musharax madaxweyne, waxaana saacado kadib musharaxnimadiisa ku dhawaaqay C/rashiid Maxamed Xidig.
Waxaa muuqaneyso inuu xaalka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka adag yahay, maadaama labada musharax ay kala wataan musharixiin dooneysa xilka madaxweynaha dalka.
Waxaana doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ay kala saari doontaa cidda noqoneysa madaxweynaha dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]